Barasaabka Nairobi: Falal dambiyeedyada ka dhici jiray caasimadda Nairobi waa ay yaraadeen

0
282

Barasaabka ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja ayaa sheegay in tani iyo xilligii doorashada ka dib ay yaraadeen falal dambiyeedyada ka dhici jiray magaalada caasimadda wadanka.
Waxaa uu xusay in wada shaqeyn dhow oo dhexmartay maamulkiisa iyo hoggaanka cusub ee taliska booliiska heer qaran iyo heer gobol ay kaalin muhiim ah ka qaadatay inay yaaradeen burcadda dhaca iyo dilka ka gaysan jirtay magaalada Nairobi.
Sakaja ayaa ku ammaanay madaxweynaha dalka William Ruto sida uu u xaqiijiyay in xiriir dhow oo wada shaqeyn ah uu ka dhexeyo xafiiskiisa iyo kan abaanduulaha ciidanka booliiska wadanka Japhet Joome iyo sidoo kale taliyaha booliiska Nairobi Adamson Bungei.
Waxaa uu sidoo kale xusay in taasi ay wax wayn ka badeshay amniga magaala madaxda wadanka ee Nairobi.
Barasaabka ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja ayaa sheegay inay dajiyeen hannaan adag oo looga hortagayo falal dambiyeedyada magaalada ka dhaca.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in xal hadda loo helay falalka amni darro ee ku badnaa qaybaha caasimadda dalka.