Hoggaamiyaha isbeheysiga Azimio,Raila Odinga ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay dhaliisha ah in garabka mucaaradka uunan sidii hore u mideysnayan oo uu qarka u saaran yahay burbur.
Waxaa uu sheegay inuusan Azimio ka dhex jirin hardan dhanka awoood raadinta ah.
Waxaa uu cadeeyay in wax waliba loo sameeyo si habsami leh oo ay sii xoojin doonaan isbeheysiga Azimio.
Raila ayaa intaasi ku daray inay mideysan yihiin oo ayna awood u yeeli doonaan xisbiyada ka tirsan isbeheysigan.
Sidoo kale waxaa uu beeniyay in barasaabkii hore ee ismaamulka Mombasa Cali Xasan Joho uu iskaga bixi rabo xisbiga ODM.
Raila ayaa sheegay in warkaasi uunan sax ahayn oo uu Joho ku maqan yahay dalka dibadiisa marka uu soo laabtana uu kaalintiisa ku biirin doono ODM.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa ku celceliyay in xisbiga ODM iyo si guud isbeheysiga Azimio aynan kala qaybsanaan ka dhex jirin.