Madaxweynaha dalka oo furay shirka golaha wasiirrada

0
384

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta si rasmi ah u furay shirka ay magaalada Nanyuki ee ismaamulka Laikipia ay ku yeelanayaan golaha wasiirrada iyo saraakiisha sare ee dowladda.
Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay in kulankan uu noqon doono mid sanad kasta la qabto.
Sidoo kale waxaa uu carrabka ku adkeeyay in wasiirrada iyo xoghayeyaasha joogtada ah laga doonaya inay si dhow u wada shaqeeyaan.
Hoggaamiyaha wadanka ayaa howlwadeennada ku boorriyay inay la shaqeeyaan golaha qaran ee xeer dejinta.
William Ruto ayaa xubnaha shaqooyinka loo dhiibay ku cusub u soo jeediyay inaysan marnaba ka xishoon inay aqoon iyo khibrad shaqo ka kororsadaan howlwadeennada waaya aragga ah.
Sidoo kale waxaa uu ka codsaday in aynan keliya isku koobin xafiisyadooda ku yaalla magaalada Nairobi oo ay dadweynaha adeegyada u baahan ugu tagaan deegaanadooda.
William Ruto ayaa si cad u sheegay in marnaba uunan u dulqaadan doonin habacsanaan dhanka shaqada ah mise dayacaad mas’uuliyadeed.
Berri ayaa la filaya in kulanka ay khudbado ka jeediyaan hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kimani Ichungwa iyo dhigiisa aqalka sare Aaron Cheruiyot.