DHAGEYSO:Doorashooyin ku celis ah oo ka socdo qaybo ka mid ah dalka

0
299

Waxaa deegaannada Garissa Township, Kandara , deegaanka hoose ee Shella ee ismaamulka Lamu iyo dowlad deegaanka Elgeyo Marakwet maanta ka qabsoomaya doorashooyin ku celis ah.
Codbixiyeyaasha deegaan baarlamaneedka Garissa Township oo gaaraya ilaa 54,000 ayaa codkooda ka dhiibanaya 103 xarumood.
Waxay kala xulanayaan musharraxiin matalaya xisbiyo oo ay ugu cadcadyihiin Deeqoow Maxamad Barrow oo ka tirsan xisbiga UDA iyo Naasir Maxamad Doolaal oo isna ka tirsan xisbiga UDM.
Goobaha codbixinta oo furmay abaare 6-dii subaxnimo ee maanta ayaa soo xirmi doonaa 5-ta galabnimo.
Xilka xildhibaanannimo ee Garissa Township ayaa bannaanaaday ka dib markii Aadan Barre Ducaale oo shacabka halkaasi ku nool baarlamaanka ku matalayay loo magacaabay wasiirka gaashaandhigag ee dalka.
Deeqoow Maxamad Barrow oo warbaahinta Star la hadlay ka dib markii uu ka codeeyay dugsiga sare ee gabdhaha ee NEP Girls ayaa sheegay in weli ay hooseyso tirada dadka ee codeynta u soo baxay balse uu rajeynaya inay sii kororto.
Waxaa uu dadweynaha ka codsaday inay si nabad ah codkooda ku dhiibtaan.

Sidoo kale waxaa warbaahinta Star la hadlay musharraxa UDM, Naasir Maxamad Doolaal oo ku baaqay in si nabad ah codka lagu dhiibto.

Dhanka kale qaar ka mid ah dadweynaha Garissa ee maanta codkooda dhiibtay ayaa dareenkooda la wadaagay Star FM.

Sidoo kale wasiirka difaaca ee dalka horayna u soo noqday mudanaha Garissa Township Aadan Barre Ducaale ayaa isna sheegay inuu ku faraxsan yahay sida ay codeynta u socoto.