Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja -One Kenya ,Raila Odinga ayaa sheegay in sanadkan uu rajeynaya inuu noqdo mid ka wanaagsan sanadkii 2022.
Raila ayaa dhambaal uu la wadaagay shacabka ku sheegay inay tahay in Alle looga mahadceliyo in wadanka uu ka soo gudbay caqabado badan oo jiray.
Waxaa uu xusay inuu rajeynaya in sanadkan billowday la yeesho wada hadallo wax ku ool ah oo ku saabsan sida lagu wanaajin karo dastuurka dalka iyo hay’adaha qaabilsan xaqiijinta maamul wanaagga.
Mr. Odinga ayaa tilmaamay in dadweynaha ay adkeysi muujiyeen xilli la soo maray xaalado adag oo nololeed iyo doorasho guud oo si wayn loogu tartamay.
We had a challenging 2022, with a hotly contested election leading to circumstances exacerbated by the difficult economic conditions prevailing as we enter 2023.
We do, however, expect a better year and better times. Happy New Year. pic.twitter.com/RELkHuOBhA
— Raila Odinga (@RailaOdinga) December 31, 2022