Hay’adda war tabiyaasha aan xuduudda lahayn ee RSF ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in 20-kii sano ee ugu dambeeyay daafaha caalamka lagu dilay ku dhawaad 1,700 oo suxufiyiin ah.
Tani ayaa isku celcelis ahaan sanadkiiba u dhiganta in ka badan 20 wariye oo laga takhalusay.
Waxaa ugu darnayd 2003 ilaa 2022-ka sida laga soo xigtay hay’addan oo uu fadhigeedu yahay caasimadda Faransiiska ee Paris oo u ololeysa xuquuqda warfidiyeennada.
Xoghayaha guud ee RSF Christophe Deloire ayaa sheegay in suxufiyiinta la dilay iyagoo xog uruurinaya xaqiiqadana raadinaya si ay dadka ula wadaagaan.
Warbixintan ayaa ku soo beegmaysa toddobo bilood ka dib markii Shireen Abu Akleh, oo 25 sano u shaqeynaysay warbaahinta caalamiga ee Aljazeera ay ciidamada Israa’iil ku dileen daanta galbeed ee dalka Falastiin.
12 ka mid ah wariyaasha warbaahinta Aljazeera ayaa ku nafwaayay furimaha hore.
Waddamada Ciraaq iyo Syria ayaa lagu sheegay dalalka ugu khatarta badan ee uu wariye ka howlgalo .
Marka la isku geeyo, labadan waddan waxaa 20-kii sano ee ugu dambeeyay lagu dilay 578 oo wariyaal ah.
Tani ayaa ka badan saddex meelood hal meel tirada dilalka warfidiyeennada ee laga diiwaangeliyay dunida sida laga soo xigtay hay’adda RSF.
Waxaa soo raaca Mexico oo lagu dilay (125 wariyaal ah), Filibiin (107), Pakistan (93), Afghanistan (81) iyo Somalia (78).
Warbixinta waxaa ku xusan in boqolkiiba 80 ee dilalka wariyaasha inay ka dhaceen 15 waddan.
Sanadaha ugu madoobaa taariikhda wariyaasha ayay hay’adda ku sheegtay 2012 iyo 2013 oo uu aad u xooggana dagaalka Syria.
Labadan sano waxaa la dilay 144 iyo 142 suxufiyiin ah.
Dhimashada wariyaasha ayaa mar kale sare u kacday sanadkan 2022 oo uu jiro duulaanka militari ee Ukraine.
Sanadkan sii dhamaanaya waxaa iyagoo howlo shaqo ku guda jiro la dilay 58 wariyaal ah marka loo barbardhigo sanadkii hore oo ay tiradan ahayd 51.