Madaxweynaha dalka William Ruto oo qoraal soo dhigay baraha bulshada ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska , ehellada iyo asxaabta ay ka baxday Catherine Kasavuli oo ahayd rugcadda saxaafadeed oo xalay geeriyootay.
Waxay dhimatay iyadoo 60 sano jir ah ka dib muddo cudurka kansarka ee ku dhaca minka looga daaweynayay isbitaalka qaran ee Kenyatta ee ismaamulka Nairobi.
William Ruto ayaa sheegay in si la mid ah kenyaanka kale uu murugada la qaybsanaya qoyska suxufiyadda.
Waxaa uu ku tilmaamay haweeney caqli badnayd oo si soo jiidasho leh u tabin jirtay wararka telefishinnada.
Hoggaamiyaha wadanka ayaa qoraalkiisa ku xusay in carruur badan oo kenyaan ah ay soo barbaareen iyagoo daawanaya si ay ugu daydaan Kasavuli.
It is with great sorrow that I join Kenyans in mourning the passing of Catherine Kasavuli who died Thursday night at 60, after a long brave fight with cancer.
Catherine was a cheerful, articulate and intelligent news anchor who took to television with unprecedented flair. pic.twitter.com/olNjWMiBQ8
— William Samoei Ruto, PhD (@WilliamsRuto) December 30, 2022
Let us therefore celebrate the life of a talented pioneer who famously excelled in her profession, entrancing the nation with her talent and extraordinary poise.
I pray that God comforts her family in this time of mourning and that her soul rests in eternal peace.
— William Samoei Ruto, PhD (@WilliamsRuto) December 30, 2022
Waxaa tacsi tani la mid ah diray guddoomiyaha baarlamaanka dalka , Moses Wetangula oo sheegay in Kasavuli ay wariyaasha hadda shaqeeya uga dayan karaan in qofka uu si firfircoon oo ay aqoon ku dheehan tahay ugu shaqeeyo xirfadiisa warbaahineed.
Sidoo kale Agaasimaha guud ee shirkadda warbaahineed ee Royal Media Services, Wachira Waruru ayaa ka tacsiyeeyay geerida Catherine Kasavuli.
Madaxda kale ee diray fariimaha tacsida waxaa ka mid ah marwada koowaad ee dalka Rachel Ruto, madaxa isbeheysiga Azimio Raila Odinga, madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta, madaxa wasiirrada Musalia Mudavadi, guddoomiyaha aqalka sare Amason Jeffah Kingi, wasiirka isgaarsiinta Eliud Owalo , dhigiisa wasaaradda arrimaha gudaha Prof.Kithure Kindiki iyo xildhibaanka galbeedka Samburu Naisula Lesuuda.
Following the loss of legendary broadcast journalist Catherine Kasavuli, Mama Ida and I extend our heartfelt condolences to her family, friends, and colleagues.
She illuminated our screens as a trailblazer and many women joined the profession due to her captivating presence. pic.twitter.com/wTujCTmeDI
— Raila Odinga (@RailaOdinga) December 30, 2022
Waxaa geerida Catherine Kasavuli oo dhalatay sanadkii 1962-dii xaqiijiyay sii hayaha xilka agaasimaha guud ee warbaahinta dowladda ee KBC ,Samuel Maina.
Ms Kasavuli ayaa ahayd haweeneydii ugu horreysay ee wariye ah gudaha wadanka oo ka shaqeysa telefishin waxayna mihnadda saxaafadda ku soo biirtay siddeetameyadii.
Waxaa ay horay uga soo howlgashay telefishinnada kala ah KBC KTN, iyo Citizen iyadoo ugu dambeyn dib ugu laabatay warbaahinta dowladda ee KBC si ay qayb uga noqoto sare u qaadidda saameynta shirkaddan.