Ugu yaraan hal qof ayaa la xaqiijiyay inuu dhintay halka dhowr kalena ay dhaawacmeen ka dib markii bas rakaab siday uu ku dhacay webi ku yaalla ismaamulka Kisii.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in baska uu ka mid yahay baabuurta shirkadda Modern Coast.
Dadka laga soo badbaadiyay shilka ayaa la geeyay isbitaalka wayn ee Kisii iyadoo qofka dhintay meydkiisa la dhigay goobta meydadka ee xaruntaasi caafimaad.
Taliyaha saldhigga booliiska ee bartamaha Kisii ,Amos Ambasa oo dhacdadan xaqiijiyay ayaa sheegay inay ku dadaalayaan sidii baska looga soo saari lahaa webiga uu ku dhacay iyo in la xaqiijiyo in dad dheeraad ah ay weli halkaasi ku xanniban yihiin.
Shirkadda basaska ee Modern Coast ayaa dhankeeda qoraal ku sheegtay in baska shilka galay uu ka soo ambabaxay Mombasa oo uu ku wajahnaa Homa Bay.
Waxay intaasi ku dartay in xilli uu baabuurka marayay meel dagaan-dag ah inuu ku dhacay gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaano mataatuuda.
Tani ayaa keentay in darawalka oo argagaxay uu xakameyn waayo baska oo ugu dambeyn biyaha ku dhacay.
Shirkadda waxay qoraalkeeda ku xustay in 43 qof oo rakaab ah oo uu baska siday ay nabad qabaan in kastoo qaarkood ay soo gaareen dhaawacyo fudud.
Modern Coast ayaa intaasi ku dartay in rakaabka kale ay safarkoodi sii wateen maadaama baabuur kale loo raadiyay.
Waxay shirkaddu xustay inuunan jirin qof rakaab ah oo shilka maanta ku nafwaayay.