Waxaa lagu soo warramayaa in labo qof toogasho lagu dilay halka 2 gurina la gubay, ka dib markii kooxo looga shakisan yahay inay burcad yihiin ay weerar ku qaadeen tuulada Taa oo ka tirsan deegaanka hoose Pandaguo ee ismaamulka Lamu.
Guddoomiyaha dowlad dhexe ku matala ismaamulka Lamu Irungu Macharia, ayaa sheegay in 8 burcad ah ay xalay abaare 8-dii fiidnimo soo weerareen tuuladaasi iyagoo sidoo kale ku labisnaa dareeska ciidanka ammaanka.
Waxaa uu xusay in dableyda ay si aan kala sooc lahayn rasaas ugu fureen dadka goobta dhacdadadan laga soo tabiyay ku sugnaa.
Guddoomiyaha ayaa intaasi ku daray in burcadda ay markii dambe gubeen laba guri oo ay lahaayeen booliiska qaran ee keydka ee loo yaqaano NPR ka hor inta aysan baxsan.
Waxaa uu sheegay in sidoo kale la la’yahay 10 qof oo dadka deegaanka ah.
Mr.Irungu ayaa aaminsan in burcadda ay ka soo jeedaan beelaha dariska ah, oo ay aysan ahayn maleeshiyaadka Al-Shabaab sidii markii hore looga shakiyay.
Waxaa uu ku doodayaa in goobta weerarka laga gaystay ee masaafada sohdinta Kenya iyo Soomaaliya u jirto ay tahay mid aad u dheer oo gaareyso 1000 kiilomitir, taas oo ka dhigaysa in aysan macquul ahayn in burcadda ay si degdeg ah ku baxsadaan.
Dhanka kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan booliiska oo halkaasi baaritaanno ka sameeyay.