Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa ka codsaday Kenyaanka ku sugan wadanka Angola inay ka faa’iideystaan fursadaha ganacsi ee ka jira dalka, kuwaasi oo aan laga faa’iideysan.
Mr. Gachagua ayaa xusay in dalka Angola uu si weyn ugu tiirsan yahay cuntada laga keeno qaaradaha kale, ay tahay fursad maadaama ay Kenya u dhowdahay.
“Cuntada Angola waxay laga keena dalka Brazil, waa inaan eegno fursadaha ganacsi ee suurtagalka ah,” ayuu yiri Mr. Rigathi Gacahgua
Waxaa uu intaasi ku daray in Kenya diyaar u tahay in badeecadaha wadanka laga soo saaro sida khurdaarta uu iib gayso dalka Angola.
Madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa hadalkan jeediyay mar uu la kulmay Kenyaanka ku nool Angola.
Waxaa uu sidoo kale xalay ka qayb galay shir madaxeedka 10-aad ee dalalka la isku yiraahdo Afrika Caribbean iyo waddamada Pacific-ga ee (OACS).
Shirkan ayaa ka qabsoomay caasimadda Luanda ee dalka Angola.
Dhanka kale, Mr. Rigathi Gachagua ayaa sheegay in maamulka madaxweyne Ruto uu u xilsaari doono safaradaha dalka ku leeyahay dibadda, si ay fursado ganacsi ugu raadiyaan dadka Kenyaanka ah xitaa marka ay u suuq gaynayaan wadanka.
On the sidelines, I met and interacted with Kenyans living and working in Angola. We exchanged ideas on opportunities available in Angola 🇦🇴 as they shared experiences, especially those who have made Angola their home for up to 30 years. pic.twitter.com/RNoKpRwmtt
— Rigathi Gachagua (@rigathi) December 9, 2022
I informed them of the Ruto Administration’s policy for seeking commercial interests, and at least 70% of the ambassadors’ work will focus on marketing Kenya and looking for new markets in their missions. pic.twitter.com/Mn2IFSCTdK
— Rigathi Gachagua (@rigathi) December 9, 2022