Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Riyadh ee caasimadda boqortooyada Sacuudi Carabiya, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay.
Waxaa uu madaxweynaha ka qayb galaya shirka dalalka Carabta iyo Shiinaha kaas oo looga hadli doono iskaashiga iyo horumarka.