Turxaan bixinta wasiirrada Nairobi oo sii socon doonto

0
226

Waxaa sii socon doonto turxaan bixinta lagu sameynaya xubnaha barasaabka ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja uu u soo magacaabay inay ka mid noqdaan golihiisa wasiirrada.
Tani ayaa timid ka dib markii maxkamadda shaqada iyo shaqaalaha ee dalka ay meesha ka saartay dacwad looga soo horjeeday geeddisocodkan.
Golaha hoose ee ismaamulka Nairobi ayaa laga billaabo toddobaadka soo socdo su’aallo waydiin doono 10 qof oo uu xilalka wasiirnimo u soo xushay Sakaja.
Dacwadda laga gudbiyay barasaabka ayaa ahayd in golihiisa wasiirrada uunan ku soo darin qof muslim ah.
Waxaa sidoo kale doodda qayb ka ahayd bulshada laga tirada badan yahay oo ka cabanaysay in aan matalaad la siin.
Waxaa dacwadda la geeyay waxba kama jiraan ka soo qaadday garsoore Ann Mwaure oo sheegtay in aan lala wadaagin caddeymo wax ku ool ah.
Sidoo kale waxay sheegtay in barasaabka Nairobi uu raacay dhammaan nidaamyada laga doonayay ee magacaabidda .