Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in dowladda dhexe gaar ahaan wasaaradda tacliinta ay qorsheynaysa inay sanadka soo socdo howlgeliso barayaal dheeraad oo tiro ahaan gaaraya 30,000 .
Waxaa uu sheegay in ismaamullada gobolka waqooyi bari mudnaan la siin doono.
Hoggaamiyaha wadanka ayaa madaxda siyaasadeed ee waqooyi bari ka codsaday inay ardayda ka dhaadhiciyaan barashada macallinimada.
Waxaa uu u sheegay inuunan marnaba ka aqbalayn cudur-daarka ah in dhallinyarada gobolka aynan diyaar u ahayn barashada macallinnimada.
Madaxweynaha ayaa su’aal geliyay sababta qof dhallinyaro ah oo ka soo jeedo waqooyi bari uu u diidaya inuu macallin noqdo halka arday deegaan kale ka soo jeedo oo ay isku natiijo heleen ay tani uga go’an tahay ayna ku dhiirradaan.
Sidoo kale waxaa uu ka soo horjeestay in ardayda gobolka waqooyi bari loo oggolaado inay buundooyin hoose ku bartaan macallinnimada tani oo uu ku tilmaamay mid mustaqbalka fog saameyn ku yeelan karto tayada waxbarasho ee gobolka.
National examinations season are here, it is time to take a big step to the next stage on your journey of learning.
I encourage you to calmly write your tests and to do the only thing that is always required of you: your best. pic.twitter.com/yO3VEduqnK
— William Samoei Ruto, PhD (@WilliamsRuto) November 29, 2022
At the Joseph Kang’ethe Primary School in Kibra, witnessed the administration of KPSEA and KCPE Examination papers to the candidates. pic.twitter.com/TbtvWYnA06
— William Samoei Ruto, PhD (@WilliamsRuto) November 29, 2022
Witnessing the administration of KCPE examination papers to candidates at Joseph Kangethe Primary School, Kibra, Nairobi. https://t.co/zO18DP9cOf
— William Samoei Ruto, PhD (@WilliamsRuto) November 29, 2022