Madaxweynaha dalka oo mucaaradka uga digay mudaaharaadyado rabshado wata

0
482

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa uga digay mucaaradka mudaaharaadyo rabshado wata, xilli ay qorsheynayaan kulan dadweyne oo ay taageero ugu muujinayaan afar ka mid ah saraakiisha guddiga madaxa bannaan ee doorashoyinka iyo xuduudaha dalka ee IEBC oo dacwado laga gudbiyay.
Howlwadeennada ayaa kala ah guddoomiye ku xigeenka IEBC Juliana Cherera, Irene Masit, Francis Wanderi iyo Justus Nyang’aya.
Saraakiishan ayaa bishii Siddeedaad ee sanadkan ka soo horjeestay natiijadii doorashada guud ka hor inta aan lagu dhawaaqin iyagoo guddoomiyaha guddiga Wafula Chebukati ku eedeyay inuu howshaasi u maareeyay si uu mugdi ku jiro.
Tani ayaa ku soo aadeyso iyadoo hoggaamiyaha isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya , Raila Odinga uu shaaciyay in maalinka Arbacada ee toddobaadkan uu fagaaraha Kamukunji Grounds ee magaalada Nairobi lagu qaban doono kulan dadweyne.
Madaxweynaha wadanka ayaa ku boorriyay Raila Odinga in uu qaato doorkiisa ah kormeeridda howlaha dowladda.
Waxaa uu intaasi ku daray in dibadbaxyada waddooyinka ay saameyn xun ku yeelan karaan dhaqaalaha wadanka.