Nin iska dhigayay inuu u shaqeeyo EACC oo xabsi ku jiro

0
313

Waxaa saldhigga booliiska ee xaafadda Kilimani ee magaalada Nairobi lagu hayaa Ibrahim Ngamau Wangari.
Shakhsigan ayaa la xiray ka dib markii la arkay isagoo iska dhigaya mid ka mid ah howlwadeennada guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC.
Ibrahim oo sheeganaya inuu yahay dambi bare ka tirsan EACC ayaa doonayayu inuu lacag laaluush ah qof ka qaato.
Hasa ahaate qofka ayaa cabasho u gudbiyay guddiga EACC taasoo saraakiisha u suurtagelisay inay tuhmanaha u dhigaan dabin uunan filan oo ugu dambeyn lagu soo xiray.
Waxaa uu hadda maraya baaritaano dheeraad ah ka hor inta aan maxkamad la soo taagin.
Waxaa suurtagal ah in la saaro ganaax lacageed oo aan ka yareyn 300,000 , in la xiro saddex sano ama labaduba la isugu daro.
EACC ayaa kenyaanka ku boorrisay inay aad uga taxadaraan.