Maxkamad ku taalla dalka Algeria ayaa 49 qof ku ridday xukun dil ah.
Tani ayaa timid ka dib markii shakhsiyaadkan lagu eedeyay inay sanadkii hore dileen qof da’diisu lagu sheegay 38 sano.
Fallkaasi ayay fuliyeen ka dib markii ay Djamel Ben Ismail si been abuur ah ay ugu eedeyeen inuu ka dambeeyay dab qabsaday keymo.
Dabka oo kacay bishii Siddeedaad ee sanadkii 2021-kii ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 90 qof oo ka mid ahaa shacabka waqooyiga Algeria.
Hasa ahaate waxaa markii dambe la ogaaday in qofka ay dileen uu halkaasi u tagay inuu ka qayb qaato daminta dabka.
Algeria oo tan iyo sanadkii 1993-dii uu ka jiray amar lagu mamnuucay xukunnada dilka ayaa waxaa suurtagal ah in isbeddel lagu sameeyo go’aanka maxkamadda oo dadkan lagu xukumo xabsi daa’in.