DHAGEYSO:Shacabka Wajeer iyo Isiolo oo nabad loogu baaqay

0
283

Siyaasiyiinta ismaamullada Wajeer iyo Isiolo ayaa dadweynaha ku boorriyay inay isugu dulqaataan saameynta abaarta oo ay si nabad ah ku wada noolaadaan.
Madaxda ayaa xaqiijiyay inay xoogga saari doonaan sidii lagu heshiisiin lahaa bulshooyinka galbeedka Wajeer iyo Isiolo oo ay horay iskudhacyo u dhex mareen.
Wakiilka dumarka ee Wajeer Faaduma Jeexow ayaa sheegtay in tan iyo xilligii la doortay iyada iyo mudanaha galbeedka dowlad deegaankaasi Yuusuf Maxamad Faarax ay ku mashquuleen sidii dib loogu soo celin lahaa xoolo la dhacay.
Waxaa sidoo kale baaqa nabadeed dadweynaha u diray barasaabka Wajeer Axmad Cabdullahi iyo dhigiisa Isiolo Cabdi Ibraahim Guyo.