Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa soo bandhigay guddi uu hoggaamiyaha wadanka William Ruto u magacaabay inuu isku duba rido falcelinta ka dhanka ah saameynta abaarta.
Waxaa xubnahan guddoomiye u ah madaxa fulinta ee shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom Peter Ndegwa.
Waxaa laga doonaya inay ka shaqeeyaan sida loo abaabuli karo kheyraad dheeraad ah oo wax looga qabanaya xaaladda taagan.
Guddigan ayaa si gaar ah xoogga u saari doono dhinacyada cunnada , biyaha , xoolaha , caafimaadka , duurjoogta , tamarta , waxbarashada, amniga, keymaha , beeraha iyo waraabka.
Waxaa looga fadhiyaa in iyagoo kaashanaya hay’adda laanqayrta cas ee Kenya ay soo bandhigaan sanduuqa deeqaha ka dhanka ah abaarta.
Xubnaha guddigan ayaa warbixintooda u gudbin doono madaxweyne ku xigeenka dalka .
Sidoo kale waxay gacan ka gaysan doonaan badbaadinta bulshooyinka ay abaarta saameysay si gaar ah lacagaha caddaanka ee la siiyo si loo kabo dadaallada dowaldda dhexe iyo ismaamullada.