Dowladda dhexe ayaa bartilmaameedsanaysa ilaa 5 milyan oo qof oo danyar ah si looga diiwaangeliyo hannaanka caymiska qaran ee caafimaadka ee NHIF.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua.
Waxaa uu xusay in ujeeddada laga leeyahay arrintan ay tahay in si fudud lagu helo adeegyada caafimaad.
Tani ayaa qayb ka ah dhaqangelinta Barnaamijka caafimaadka guud ee UHC.
Shakhsiyaadka ay dowladda dhexe qorshahan ku bartilmaameedsanaysa waxaa ka mid ah naafada , carruurta nugul, agoomaha , waayeellada , hooyooyinka laga geeriyooday ee keligood ubadka koriya iyo aabayaasha daryeela carruurta rajada ah.