Waaxda dacwad oogidda oo xoojinaysa cadaaladda carruurta

0
209

Waaxda dacwad oogidda ee dalka ayaa sheegtay inay sare u qaadeysa qaabka ay caddaalad ku helaan caruurta.
Waxay hoosta ka xarriiqday in 47-da ismaamul ee wadanka ay waaxdu ku matalaan dacwad oogayaal khaas ah oo arrintan qaabilsan.
Ujeeddada laga leeyahay qorshahan ayaa ah in la xaqiijiyo in canug kasta oo kenyaan ah uu cadaalad helo.
Sidoo kale waaxda ODPP oo kaashanaysa hay’adda Wordl Vision iyo waaxda arrimaha carruurta ee dalka ayaa ka shaqeynaysa in lala dagaallamo dhibaatooyinka ay wajahayaan gabdhaha ismaamulka Samburu sida gudniinka fircooniga, guurka degdegga ah iyo caqabado kale.