Madaxweynaha dalka oo magacaabid sameeyay

0
406

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta soo magacaabay shakhsiyaad xilal ka haynaya hay’adaha dowladda.
Jagooyinkan ayay mas’uuliyiintan hayn doonaan muddo saddex sano ah iyadoo magacaabidda uu maanta sameeyay Ruto ay si degdeg ah u dhaqangalaysa.
Madaxweyne William Ruto ayaa guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee xisbiga UDA Anthony Ng’ang’a Mwaura u magacaabay guddoomiyaha maamulka canshuuraha ee KRA.
Waxaa uu xilkan kala wareegaya Francis Muthaura.
Sidoo kale hoggaamiyaha dalka ayaa Hamisi Mwashobo Mwaguya u magacaabay guddoomiyaha maamulka badaha halka David Wamatsi Omusotsi uu jagadan mid la mid ah ka hayn doono golaha machadka dalxiiska ee dalka.
Joseph Kiptoo Kasaon ayaa loo magacaabay guddoomiyaha guddiga hilibka ee (KMC) .
James Waore Dianga-Guddoomiyaha maamulka horumarinta harooyinka (LBDA) .
Jackson Tuei-Guddoomiyaha guddiga kormeera sanduuqa cayaaraha ,farshaxanka iyo horumarinta bulshada.
Xaliima Yuusuf Mucheke-Guddoomiyaha guddiga maamulo dalxiiska.
Dhanka kale wasiirka wasaaradda beeraha ee dalka Mithika Linturi ayaa wargeyska rasmiga ee dowladda ku soo daabacay in barasaabkii hore ee ismaamulka Taita Taveta ,John Mruttu loo magacaabay guddoomiyaha guddiga maaliyadda ee arrimaha beeraha.