Dowladda oo wanaajinaysa xaaladaha shaqo ee booliiska

0
215

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in dowladda ay ku dadaalayso sidii loo wanaajin lahaa xaaladaha ay ku shaqeeyaan laamaha ammaanka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dhawaan la qaban doono barnaamij arrintan looga qayb gelinaya saraakiisha booliiska.
Wasiirka ayaa xusay in tani looga gol leeyahay in wax looga qabto daryeelka ciidamada ammaanka si niyadda loogu dhiso oo ay si wayn uga falceliyaan falal dambiyeedyada.