Madaxweynaha Puntland oo shaaciyay labo caqabad oo haysta Soomaaliya

0
387

Madaxweynaha maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in dalka Soomaaliya ay ka jiraan laba caqabadood, kuwaas oo hortaagan dhismaha dowladnimada, loona baahan yahay in xal laga gaaro.
Madaxweynaha oo hadal ka jeediyay kulan ka dhacay dalka Zambia ayaa sheegay in xilligan Soomaaliya uu dhibaato ku haayo khilaafyada siyaasadeed ee aan xalka laga gaarin, kuwaas oo ragaadiyay horumarka wadankaasi.
Waxaa uu intaasi ku daray in dhibaatada labaad ay tahay arrinta Somaliland oo sheegata inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, balse uu sheegay in dad badan oo deegaanadaasi ku nool aysan la qabin.
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland ayaa dhowr jeer oo hore sheegay in caqabada dadka Soomaaliyeed haysata ay tahay khilaafka siyaasadeed ee aan la xallin, taas oo dhib u dhigtay in guul laga gaaro dowladnimadda Soomaaliya.