Kenya iyo Japan oo dhawaan billaabi doono duullimaadyo toos ah

0
307

Dowladaha Kenya iyo Japan ayaa la filayaa inay dhawaan billaabaan duullimaadyo toos ah oo isku xiraya dalalkooda.
Tani ayaa timid ka dib markii safiirka Japan ee Kenya Okaniwa Ken uu wada hadal la yeeshay guddoomiyaha baarlamaanka Moses Wetang’ula.
Waxay ka wada hadleen xoojinta danaha ka dhexeya labada dal.
Safiirka ayaa hoosta ka xarriiqay inuu ku dadaalaya sidii loo billaabi lahaa duullimaadyo toos ah oo isku xiraya magaalooyinka Tokyo iyo Nairobi.