Madaxweynaha dalka oo ka qayb galay shir ku saabsan amniga Congo

0
321

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa wadanka Masar uga qayb galay shir heer-sare ah oo looga hadlayay amni darrada saameysay jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo ee DRC.
Kulanka ayaa imaanaya maalmo un ka dib markii dowladda Kenya ay shaacisay inay ciidamo militari gaynaysa Congo.
Waxaa Ruto shirka ku wehelinayay madaxweynaha Burundi, Evariste Ndayishimiye, dhigiisa Rwanda, Paul Kagame,madaxweynaha Tanzania, Samia Suluhu iyo ra’iisul wasaaraha DRC Lukonde Sama .
Hoggaamiyaha wadanka ayaa xusay inay diiradda saareen sida la iskaga kaashan karo xaqiijinta nabadgalyada DRC.
Dr Ruto ayaa qaba in amni darrada dalkaasi ka jirta ay gobolka ka hor istaagaysa fursad looga wada shaqeyn karo arrimaha dhaqaalaha.
Bariga Congo ayaa waxaa ka dagaallama kooxo hubeysan oo intooda badan ka aasaasmay dagaalladii sagaashameeyadii.
Bishii Lixaad ee sanadkan ayay ahayd markii jaaliyadda bariga Afrika ee EAC ay shaacisay in la soo dhisaya militari goboleed oo ay hor kacaysa Kenya si wax looga qabto amniga Congo.
Jaaliyadda EAC waxaa xubno ka ah waddamada Burundi, Kenya, Rwanda, Tanzania, Suudaanta Koonfureed, Uganda iyo DRC .
Iskudhacyada u dhexeya ciidamada qalabka sida ee Congo iyo xoogagga M23 ayaa waxaa ku barakacay 50,000 qof iyadoo 12,000 oo tiradan ka mid ah ay qaxooti ku yihiin Uganda sida laga soo xigtay qaramada midoobay.