Diyaarad ay rakaab saarnaayeen oo ku dhacday harada Victoria ee dalka Tanzania

0
318

Diyaarad ay leedahay shirkadda duulimaadyada Precision Air ayaa ku dhacday harada Victoria ee dalka Tanzania.
Tani ayaa timid xilli ay diyaaradda ku wajahnayd inay ku degto garoon diyaaradeed oo ku yaalla magaalada Bukoba ee gobolka Kagera ee wadankaasi, sida ay maanta sheegtay warbaahinta dowladda Tanzania ee TBC .
Maamullada maxalliga ee wadankaasi ayaa sheegay in diyaaradda ay saaka ka duushay caasimadda Dar es Salam ee wadanka Tanzania kuna sii jeeday magaalo xeebeedka ee Bukoba ee dalkaasi oo ay ku taalla harada Victoria oo ah midda ugu weyn qaaradda Afrika.
Warbaahinta maxalliga ee Tanzania ayaa ku warramaysa in diyaaradda ay siday 49 rakaab ah.
Shilka diyaaradeed ayaa loo aaneynaya roobab culus oo da’ay iyo dabeylo xooggan oo gobolka Kagera saameeyay.
Madaxweynaha dalka Tanzania Samia Suluhu Xasan ayaa ka dib dhacdadan ku baaqday degganaan.
Bayaan ay soo saartay ayay ku sheegtay in haatan ay socdaan dadaallada samatabixinta iyo baaritaannada la xiriira shilkan diyaaradeed.
Shirkadda Precision Air, waa diyaaradda dalka Tanzania ee ugu weyn ee sida gaarka ah loo leeyahay.
Shirkadda ayaa dhankeeda qoraal ay soo dhigtay Twitter-ka ku xaqiijisay in tirada rakaabka ee la socday diyaaradda ay ahayd 39 qof oo midkood uu canug yar yahay.
Diyaaradda dhacday ayay ku sheegtay PW494.
Qoraalka shirkadda Precision Air waxaa ku cad in ilaa iyo hadda la soo samatabixiyay 26 qof oo rakaab ah oo la geeyay isbitaalka si loo daryeelo.
Ilaa iyo hadda lama xaqiijin dhimasho ka dhalatay shilkan.
Waxaa samatabixinta qayb ka ah guddi baaritaan oo isugu jiro shaqaalaha shirkadda Precision Air iyo maamulka maareeya garoomada diyaaradaha ee Tanzania ee TAA.
Sidoo kale xarumo xogaha laga heli karo ayaa laga hirgeliyay magaalooyinka Dar es Salam iyo Bukoba.
Shirkadda ayaa ballanqaaday inay faahfaahin dheeraad ah oo arrintan ku aaddan bixin doonto 3-da galabnimo ee maanta.