Waxaa la sii xoojiyay tallaabooyinka lagu xakameynaya faafitaanka cudurka COVID-19 ee gudaha magaalooyinka dalka Shiinaha.
Maamullada magaalooyinka Wuhan oo ku taalla bartamaha Shiinaha ilaa iyo Xining ee waqooyiga galbeed ayaa xayiraadaha ka hor tagga ah laba jibbaaray.
Dadweynaha ku nool degmooyinka ayaa lagu xannibay guriyahooda.
800,000 qof oo hal degmo deggan ayaa lagu amray in aynan bannaanka u soo bixin ilaa 30-ka bishan Tobnaad.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo Shiinaha maanta maalinkii saddexaad oo xiriir ah laga diiwaangeliyay in ka badan 1,000 xaaladood oo cusub oo la xiriira caabuqa corona.