Maamullada dalka Nigeria ayaa soo daadgureeyay 679 qof oo ka mid ah muwaadiniinta wadankaasi oo ku xayirnaa Imaaraadka iyo Liibiya.
Waxaa arrintan xaqiijiyay guddiga qurbajoogta Nigeria ee (NIDCOM) .
Diyaaradda sidday dadka la soo daadgureeyay ayaa ka soo degtay garoonka caalamiga ee diyaaradaha ee Murtala ee magaalada Lagos .
Sidoo kale hay’adda caalamiga ee socdaalka ee IOM iyo safaaradda Nigeria ee magaalada Tripoli ayaa Liibiya ka soo daadgureeyay 137 Nigeriyaan ah oo halkaasi ku xannibnaa oo ahaa soo galooti.
Intii u dhexeysay bilihii koowaad ilaa bishan Tobnaad waxaa Liibiya laga soo qaaday ku dhawaad 3,000 qof oo u dhashay Nigeria sida laga soo xigtay IOM.