Australia oo ka laabatay go’aan ay horay uga qaadatay Quddus

0
277

Dowladda Australia ayaa sheegtay in Galbeedka Quddus ee dalka Falastiin aynan u aqoonsanayn inay tahay caasimadda Israa’iil.
Sanadkii 2018-kii ayay ahayd markii xukuumaddi ra’iisul wasaare Scott Morrison ay qaadatay go’aanka ay xukuumadda hadda jirta ee uu hoggaamiyo Anthony Albanese ka laabatay.
Waxaa arrintan bayaan ku shaacisay wasiiradda arrimaha dibadda ee Australia, Penny Wong.
Tani ayay sheegtay inay qayb ka tahay dadaallada nabadeed ee lagu dhexdhexaadinaya shacabka Falastiin iyo Israa’iil.