Danjire Andre: Duullaanka ka dhanka ah Al-Shabaab waa tijaabada awoodda beelaha soomaaliyeed

0
377

Safiirka Maraykanka ee dalka Soomaaliya Larry Andre ayaa sheegay in dowladdiisa ay si adag u taageersan tahay qorshaha mideysan ee dowladda Soomaaliya iyo qabaa’iladu isaga kaashanayaan dagaalka Al-Shabaab.
Waxaa uu sheegay in dowladdiisa ay taageereyso shacabka deegaanada la xoreeyay.
Danjire Andre ayaa kula dar daarmay qabaa’ilku in ay iska kaashadaan sidii loo ciribtiri lahaa aafooyinka Al-Shabaab ee ragaadiyay soo nooleynta qaranka Soomaaliyeed.
Waxaa uu xusay in duullaanka ka dhanka ah Al-Shabaab uu yahay mid lagu tijaabin doono awoodda beelaha Soomaaliyeed.
“Soomaalidu ma waxay u dhaqmi doontaa midnimo? Ma midnimadooda ayay muujinayaan? Ma waxay muujinayaan inay yihiin qaran Soomaaliyeed mise waxay muujinayaan in Soomaaliya ay tahay qabiilo la soo ururiyay, waxaan ula jeedaa in beel ka mid ah beelaha dega Hiiraan ay ku daashay dagaalka halka beelaha kale ay iska fadhiistaan oo ay daawanayaan, oo aysan iyagu dagaalka gelin, Bulshadu waa inay xifaaltankooda meel dhigaan oo ay yiraahdaan annagu hal dan ayaynu leenahay dhammaanteen,”ayuu yiri safiirka Maraykanka ee Soomaaliya
Bishii Siddeedaad ee sanadkan ayay ahayd markii ciidamada dowladda iyo maleeshiyo beeleedyada huwanta ah ay howlgallo ka bilaabeen gobollada dhexe ee Soomaaliya si ay uga xoreeyaan tuulooyin iyo magaalooyin hor leh oo ay gacanta ku hayeen kooxda Al-Shabaab.
Guusha laga gaaray howlgallada ay ciidamadu kula wareegeen tobonaan tuulo oo ay horay u maamuli jireen Al-Shabaab ayaa ku dhiirrigeliyay ciidamada dowladda Federaalka inay kordhiyaan baacsiga kooxdaasi.