Baarlamaanka oo soo saaray jadwalka turxaan bixinta wasiirrada

0
530

Golaha qaran ee xeer dejinta ayaa shaaciyay jadwalka turxaan bixinta xubnaha golaha wasiirrada ee uu bishii hore soo magacaabay madaxweynaha wadanka William Ruto.
Howshan ayaa billaaban doonto Isniinta soo socoto ee 17-ka bishan.
Karaaniga baarlamaanka Serah Kioko, ayaa sheegtay in Musalia Mudavadi oo uu Ruto u soo magacaabay madaxa wasiirrada uu baarlamaanka hor tagi doono abaare 9.00 ee subaxnimo waxaana ku soo xigaya xeer ilaaliyaha guud ee magacaaban Justin Muturi oo su’aallo la waydiin doono abaare 10.30 barqannimo.
Isla Isniinta soo socoto waxaa la turxaan bixin doonaa Aadan Barre Ducaale (Difaaca), Alfred Mutua ( Arrimaha dibadda iyo qurbajoogta), Alice Muthoni Wahome (biyaha iyo maareynta wasaqda).
Maalinka labaad oo Talaado ah waxaa su’aallo la waydiin doonaa Kithure Kindiki ( arrimaha gudaha iyo maamulka qaran), Njuguna Ndung’u ( wasiirka maaliyadda ), Aisha Jumwa ( Adeegga dadweynaha), Davis Chirchir ( Tamarta), Moses Kuria ( Ganacsiga).
Maalinka Saddexaad ee Arbacada taariikhduna ay ku beegan tahay 19-ka Oktoobar, waxaa la turxaan bixin doonaa wasiirrada magacaaban ee kala ah Onesimus Kipchumba Murkomen ( waddooyinka), Rosalinda Soipan Tuya ( deegaanka iyo keymaha ), Peninah Malonza (Dalxiiska), Zacharia Mwangi Njeru ( Dhulalka) iyo Susan Nakhumicha Wafula ( Caafimaadka).
Jimcada oo ah 21-ka bishan waxaa baarlamaanka hor tagi doono Mithika Linturi ( beeraha ), Eliud Owalo ( isgaarsiinta), Ezekiel Machogu ( tacliinta), Ababu Namwamba ( arrimaha dhallinyarada), Rebecca Miano ( Bariga Afrika).
Maalinta ugu dambeysa ee turxaan bixinta oo ah Sabtida waxaa la turxaan bixinaya Simon Chelugui ( horumarinta iskaashatada), Salim Mvurya ( Macdanta), Florence Bore ( Shaqada iyo badbaadinta bulshada) iyo Mercy Wanjau ( oo loo soo magacaabay xilka xoghayaha golaha wasiirrada).