Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne oo ku saabsan shaqo ka joojin lagu sameeyay Guddomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso.
Qoraalka ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa u dhigan sidatan
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 80-aad
Markuu arkay: Eedaymaha la xiriira ku dhaqan la’aanta nidaamka maamulka dhaqaalaha ee degmadda Boosaaso
Markuu arkay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland.
Markuu tixgeliyey: Cabashooyinka ka imanaya shacabka degmadda Boosaaso
Wuxuu xeeriyey:
1.Waxaa shaqada laga joojiyey Guddomiyaha Degmada Boosaaso, Mudane Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan.
2.Waxaa shaqada sii wadaya Guddoomiye Ku-xigeenka kowaad ee Degmadda Boosaaso.
3.Waxaa la faray Hanti dhawrka Guud in ay baaris dhameystiran ku sameeyaan maamulka iyo maareynta
Xeerkan waxaa uu dhaqangelaya marka uu Madaxweynuhu Saxiixo, wuuna saxiixay.
Home Wararka Soomaaliya Puntland oo faahfaahisay sababta shaqada looga joojiyay guddoomiyaha degmada Boosaaso