Kenya iyo Indonesia oo xoojinaya xiriirkooda

0
480

Dowladaha Kenya iyo Indonesia ayaa ku dadaalaya inay sare u sii qaadaan xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeya.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in iskaashigan uu yahay mid ku saleysan ganacsiga iyo maalgashiga.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay qasab tahay in dowladahan ay adkeeyeen xiriirkooda si shacabka labada dal ay uga wada faa’iidaystaan.
Waxaa uu hoggaamiyaha dalka ku celceliyay in xoogga la saari doono sidii loo wanaajin lahaa tayada badeecooyinka ay Kenya u iibgayso wadanka Indonesia sida caleenta shaaha, qaxwada, khudaarta iyo haragga xoolaha.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu xarunta madaxtooyada ee magaalada Nairobi uu kulan kula yeeshay guddoomiyaha golaha wakiillada ee Indonesia Puan Maharani .
Dr. Maharani ayaa dhankeeda sheegtay in dowladda Indonesia ay Kenya ka caawin doonto dhinaca tababarrada , aqoonta iyo xoojinta kartida.