Codbixiyeyaasha dalka Brazil ayaa maanta ka qayb qaadanaya doorasho madaxweyne oo lagu tilmaamay mid xasaasi ah.
Waxaa aad isha loogu hayaa in Luiz Inacio Lula uu ku soo bixi karo hal wareeg oo codeyn ah iyo in madaxweynaha talada Brazil haya Jair Bolsonaro uu aqbali doono natiijada doorashada.
Ra’yi uruurintii ugu dambeysay ee la sameeyay ayaa muujinaysay in Lula oo madaxweyne soo noqday 2003-2010 uu Bolsonaro oo horay uga tirsanaa militariga ugu horreyn doono dhanka codadka.
Darasaadka ayaa lagu xusay in Lula uu haysto taageero shacab oo dhan boqolkiiba 50 halka Bolsonaro ay taageersan yihiin boqolkiiba 36 ee dadweynaha wadankaasi.
Waxaa darasaadkan shalay galab soo bandhigay machadka Datafolha institute.
Doorashada guud ee Brazil ayaa waxaa si dhow ula socdo kormeerayaal matalaya Maraykanka , xarunta the Carter Center, hay’ado caalami iyo dhinacyo kale.
Waxaa maanta oo ay doorasho dhacaysa la howlgeliyay in ka badan 500,000 sarkaal oo amniga sugaya.
Wasiirka amniga guud ee Brazil Anderson Torres ayaa beeniyay in xasiloono darro laga cabsi qabo.
Waxaa uu xusay inay doorasho dhacaysa oo uunan dagaal jirin.