DHAGEYSO:Gabadh Soomaaliyeed oo ku guulaysatay abaalmarinta geesiyada dumarka ee sanadkaan

0
781

Sahra Maxamad Axmad oo sanadkan ka mid noqotay haweenka ku guulaystay abaalmarinta caalamiga ee geesinimada dumarka ee IWOC 2021 ayaa STAR FM uga warantay waxyaabaha ay bulshada ku soo kordhiyeen iyo sida ay ugu daMbayntii ku soo gaartay heerkaan.
Sahra Maxamad Axmad ayaa nala wadaagtay dereenkeeda ku aadan dadaalkeeda la aqoonsaday.

Waxay ilaa 20 sano ka shaqeynaysay la tacaalidda tacaddiga loo gaysto dumarka iyo xaqiijinta sidii ay ku heli lahayeen haweemku caawimaad dhanka sharciga ee gudaha Soomaaliya.

Sahra ayaa sheegtay in shaqadooda oo aysan Cidna ka caawin jirin ay u saamaxday inay maanta ku guulaysato abaalamrinta Geesinimada waxayna sheegtay in howshaan ay iska gaashadeen dadka kale kadib burburkii dalka Soomaaliya.
Waxaa ay ugu dambayntii dumarka Soomaaliyeed ugu baaqday inay isku tashadaan oo ay dadaalkooda sii laba jibaaraan.