Dowladda oo shacabka ku dhiirigelisay inay kayd sameystaan

0
382

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa kenyaanka ku boorriyay inay bil waliba sameystaan dhigaal dhaqaale.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in lacagta bil waliba loo qoondeeyo Barnaamijka howlgabka ee NSSF aynan ku filnayn baahida qofka marka uu shaqada ka fadhiisto.
Hoggaamiyaha dalka ayaa xusay in lacagtan oo bishii ah 200 oo shilin ay 30 sano ka dib noqonaysa 72,000 oo shilin taasoo aan wax badan u soo kordhinayn shakhsiga.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in qof waliba oo sanadkii kaydsado 6,000 oo shilin in dowladda dhexe ay ugu kordhin doonto 3,000 oo shilin.