Waxaa shalay xerada qaxootiga ee IFO gaajo ugu geeriyootay gabadh yar oo 2 sano jir ah ,oo ay dhashay mid ka mid ah qoysaskii dhawaan soo gaaray xeryaha qaxootiga ee deegaanka Dadaab ee ismaamulka Garissa.
Hooyada dhashay ilmaha yar ee dhintay ayaa sheegtay in canugteeda ay baahi u nafbaxday ka dib markii ay wayday wax ay siiso.
Haddaba, wakiil wareedka warbaahinta Star ee deegaanka Dadaab Maxamad Baaruud Xuseen ayaa booqday qoyska ay arrintan qabsatay, wuxuuna la kulmay hooyadii dhashay gabadha yar oo sida la sheegay gaajada u geeriyootay.
Ciddii doonaysa inay caawiso hooyada dhashay gabadha yar, fadlan kala xiriir nambarka ah +254708094340