Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa ku dhaawaay abaabul militari, iyadoo dullaanka ay xukuumadda Moscow ku qaadday wadanka dariska la ah ee Ukraine uu galay 7 bilood.
Qudbad xalay laga sii daayay teleefishinka dowladda ee dalkaasi, ayuu Putin sheegay in uu difaacayo dhulalka Ruushka, reer galbeedkuna ay doonayaan in ay burburiyaan wadankiisa.
Putin ayaa shaaca ka qaaday in uu saxiixay digreeto ku saabsan abaabulka qayb ka mid ah ciidamada militeriga Ruushka, kaas oo dhaqangalaya galinka dambe ee maanta.
Madaxweynaha Putin ayaa sheegay in reer galbeedka ay u handadayaan Ruushka balse ay haystaan hub badan oo ay isku difaaci karaan.
Waxaa uu intaasi ku daray inay adeegsan doonaan awood kasta oo lagu difaacayo shacabka Ruushka.
Hoggaamiyaha ugu sarreysa Ruushka ayaa amar ku bixiyay in sare loo qaado dhaqaalaha si loo xoojiyo awoodda hagaajinta ee hubka.