Waxaa si weyn loo hadal hayaa hadal ka soo baxay Sheekha Soomaaliyeed ee caanka ah Sheekh Maxamad Cabdi Umal oo dhaliilay sarwaal ay horay u xiratay wasiiradda wasaaradda haweenka iyo xuquuqal insaanka Soomaaliya, Khadiijo Maxamad Diiriye, inkasta uusan si cid u sheegin magaca qofka ay farrintiisa ku socotay.
Balse waxaa hadalkan jawaab ka bixisay wasiir Khadiijo oo sheegtay in Sheekha aynan waxbo ka gelin sarwaalka maadama dumar badan oo Muslimiin ah ay xirtaan.
“Wasiirro dowladda Soomaaliya ka tirsan oo meel fagaare ah laa taagan tahay sarwalkii ragga ay gogosha ku seexanayeen ayay la taagan tahay oo ay isku sawirreysaa, markaas ayay baraha bulshada soo dhigeysaa xitaa xishood darrada iyo sariig la’aanta heerkaas ayay gaartay”
“Maxaa kuu haray? oo da’dan aad isku qaawin oo maxaad raadineysaa , farriin bey xambaarsan tahay” ayuu sii raacitay Sh Umal
Sheekh Umal ayaa ka digay dumarka sameynayaan tallaabooyinka dhaqan xumada ee ka dhanka ah diinta Islaamka.
“Maxay u galayaan waxa aysan garaneyn? maxay qiyamka iyo akhlaaqda dumarka u weerarayaan? imisaa dumar baa laga qabanaya diinta Ilaahey” ayuu yiri Sheekh Maxamed Umal oo maalin ka hor khudbadda jimcaha ka jeedinayay masjid 6-ka ee xaafadda Islii magaalada Nairobi.
Khadiijo Maxamed Diiriye oo muuqaal soo dhigtay boggeeda Facebook-GA waxay tiri “Dunida Muslimka ah marwooyinka ugu sarreeya ayaa saraawiisha xiran, sarwaalka shalAy laga hadlay kama duwano saraawiishaas”.
Waxaa ay intaasi ku dartay in aan la soo koobin karin tirada dumarka xirta saraawiisha ee ka shaqeeya hay’adaha dowladda.
“Waxaa soo wehliyay shalay oo jimco ahayd in uu ka hadlo Sheekh Umal, diinta Islaamka waa nasteexo, midda koowaad waxay ka hadleen surwaal, waxay ogyihiin umadda Soomaaliyeedna ogtahay iska dhaaf dumarka Soomaaliyeed yar iyo weyn, inta surwaal xiran oo goleyaasha dowladda iyo hay’adaha dowladda ka shaqeeyo lama xisaabin karo” ayay tiri Wasiir Khadiijo.