Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa lagu soo warramayaa inuu galay shil baabuur, sida uu afhayeenkiisa shaaca ka qaaday.
Baabuur rakaab ah ayaa ku dhacay gaarigii madaxeynaha iyo kii ilaalaadiisa oo ku sugnaa caasimadda Kyiv.
Afhayeenka madaxweynaha wadanka Ukraine Sergii Nykyforov ayaa hadal kooban sidaasi ku yiri.
“Madaxweynaha waxaa markiiba baaritaan ku sameeyay dhakhtarkiisa, waxa uuna caddeeyay in wax dhaawac oo halis ah uusan soo gaarin,” ayuu sii raaciyay Sergii Nykyforov
Waxaana sidoo kale goobta lagu daweeyay darawalkii waday gaariga rakaabka ah ee ay isku dhaceen gaadiidka madaxtooyada, waxaana lagu qaaday gaari gurmadka degdeg ah ee loo yaqaano Ambalaas.
Mr. Nykyforov ayaa sheegay in dhammaan arrimaha la xiriira shilka gaadiidka ay baarayaan saraakiisha amniga, islamarkaana faahfaahin intaas dhaafsiisan ma uusan bixin.
Shilkan ayaa yimid ka dib markii madaxweyne Zelensky oo 44 sano jir ah uu shalay booqday magaalada dib loo qabsaday ee Izyum, oo Ruushka u ahayd xudunta muhiimka ee saadka ee waqooyi bari ee dalka Ukraine.