Guddi ka tirsan aqalka sare ee Maraykanka ayaa tallaabadii ugu horreysay u qaaday dhanka xeer looga gol-leeyahay in xukuumadda Washington ay si wayn ugu garab istaagto jasiiradda Taiwan.
Waxaa uu qorshuhu yahay in iyadoo hindise sharciyeedkan la adeegsanaya Taiwan ay hesho taageero militari oo ku kacaysa ballaayiin doolar.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo Taiwan oo isu aragta mid madax bannaan ay cadaadis xooggan kala kulmaysa Shiinaha oo aaminsan inuu maamulo.
Xeerka Taiwan Policy Act of 2022 ayaa jasiiradda Taiwan u fududeyn doono inay Maraykanka ka hesho caawimaad dhan 4.5 bilyan oo doolar oo dhanka amniga ah muddo afar sano.
Sidoo kale nidaamkan ayaa qeexaya in xukuumadda Beijing cunaqabateyn la saari karo haddii ay isku daydo inay si awood ah kula wareegto jasiiradaasi.
Sidoo kale xeerkan ayaa xukuumadda Taipei ku taageeri doono inay ka qayb qaadato howlaha hay’adaha caalamiga ah.