Waxaa la xaqiijiyay in ku dhawaad 100 sarkaal ay ku dhinteen dagaal soo cusboonaaday oo shalay dhex maray dowladaha dariska ah ee Armenia iyo Azerbaijan.
Iskudhaca ayaa lagu tilmaamay midkii ugu darnaa tan iyo sanadkii 2020 xilligaasi oo ay isku qabsadeen lahaanshaha gobolka Nagorno-Karabakh .
Dowladda Azerbaijan ayaa Armenia ku eedeynaysa inay jebisay heshiis xabbad joojin ah oo horay loo gaaray.
Waxay intaasi ku dartay in ciidamada qalabka sida ee dalka Armenia ay ku kaceen daandaansi laga falceliyay.
Xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa hoggaamiyaasha waddamadan ugu baaqay inay colaadda soo afjaraan.
Dagaalka labada dhinac ayaa muddadii uu socday waxaa ku nafwaayay qiyaastii 30,000 oo ruux.