DHAGEYSO:Maamulka Jubbaland oo ka hadlay xaaladda abaaraha ee gobolka Gedo

0
1093

Guddiga Gurmadka Abaaraha Maamul Goboleedka Jubbaland ayaa warbixin ka soo saaray saameynta abaaraha Ka jira deegaanada maamulkaas ka tirsan.
Guddiga ayaa sheegay in xaalad daran oo abaarta ka dhalatay ay ka jirto deeganada Gobolada Gedo iyo Jubbooyinka waxayna dowladda dhexe,Maamulka Jubbaland iyo hay’adaha Samafalka ugu baaqeen in gargaar deg deg ah lala gaaro dadka goboladaas ku sugan.
Madaweyne Ku xigeenka Maamulka Jubaland ayaa sheegay in dalka Soomaaliya ay isugu darantay abaar iyo Colaadu ayna tahay in qofkasta oo Muwaadin ah qayb ka qaato samatabixinta dalkiisa iyo dadkiisa

Dhanka kale deegaan lagu magacaabo Gololeey oo hoostagta degmada Buuhoodle ayaa waxay wajahayaan xaalad Biyo yari ah waxayna Codsadeen in gurmad lala soo gaaro maadaama ay abaaro daba dheeraaday soo mareen.