Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ku tilmaamay cunaqabateynta reer galbeedka ee dalkiisa ku soo rogeen mid khatar ku ah caalamka oo dhan.
Cunaqabateynta Ruushka lagu soo rogay ayaa imaaneysa ka dib markii uu ku duullay wadanka dariska la ah ee Ukraine 24-kii bishii Labaad ee sanadkan.
Waxaa uu sheegay in dadaallada lagu go’doominayo Ruushka ay noqdeen kuwo aan waxba taraynin.
Putin ayaa hadalkan sheegay mar uu khudbad ka jeedinayay madasha dhaqaalaha Bari ee magaalada dekedda leh ee Vladivostok ee Ruushka.
Arrintan ayaa imaaneysa ka dib markii Putin uu Isniintii toddobaadkan sheegay in gaaska ka soo gudba marinka Nord Stream 1 ee la geeya Jarmalka aanu si buuxda dib u bilaabi doonin ilaa ay dalalka reer galbeedku ka qaadaan cunaqabateynta ka dhanka ah Ruushka.
Putin ayaa beeniyay in Moscow ay hub ka dhigtay suuqa tamarta, sida ay sheegeen hoggaamiyayaal badan oo reer Yurub ah.