Chebukati oo sheegay in kenyaanka aysan ka walwalin natiijooyin kala duwan ay soo gudbinayaan warbaahinnada

0
532

Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC Wafula Chebukati ayaa ku boorriyay shacabka Kenyaanka in aysan ka walwalin natiijooyinka kala duwan ee madaxtinimo oo ay soo bandhigayaan qaar ka mid ah warbaahinnada dalka ka howlgala.
Chebukati oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta dhexe ee codadka lagu tirinaya Bomas ee magaalada Nairobi, ayuu sheegay in farqiga u dhexeya natiijooyinka ay soo bandhigayaan ay ku xiran tahay habka shaqada ee xarumahan.
Waxaa uu intaasi ku daray inay ku kula duwan yihiin xilliyadda foomamka IEBC ay la deggayaan iyo hannaanka ay adeegsanayaan si ay natiijada u soo bandhigaan.
Guddomiyaha IEBC ayaa u xaqiijiyay Kenyaanka in dhammaan xarumaha warbaahinnada ay natiijooyin isku mid ah soo gudbin doonaan marka ay soo dhammaato tirinta codadka ee xilka madaxtinimo.
Waxaa uu xusay in warbaahinnada ay xogta natiijooyinka hordhaca ah ka soo xiganayaan xarunta dhexe ee IEBC.
Kenyaanka ayaa walaac ka muujiyay natiijooyinka kala duwan ay soo badhigayaan muuqaal baahiyayaasha.
Dadweynaha qaar ayaa warbaahinnada ku eedeynayaan inay u xaglinayaan musharrax madaxweyne oo gaar ah.
Warbaahinnada ayaa tan iyo markii ay billaabatay tirinta codadka soo bandhigayay natiijooyin kala duwan.