Waxaa sare u sii kacday tirada dhimashada ee ka dhalatay duqeyn ay diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ka gaysteen marinka Qaza ee dalka Falastiin.
Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa xaqiijisay in ilaa iyo hadda la dilay 31 qof oo 6 ka mid ah ay carruur yihiin.
Sidoo kale waxaa falkaasi ku dhaawacmay in ka badan 260 ruux.
Madaxtooyada Falastiin ayaa cambaareysay weerarkaasi waxayna ku tilmaantay mid khatar ah.
Hoggaanka Falastiin ayaa beesha caalamka ka codsaday inay arrintan soo farageliso si looga hor tago in saameyn dheeraad ah ay ka dhalato.
Ra’iisul wasaaraha Falastiin Maxamad Shtayyeh ayaa Israa’iil ku eedeyay inay rabshadda billaabeen kadibna shacabka ku nool magaalada Ramallah ay dhigeen dibadbaxyo ku aaddan aargoosi.