Maamullada caafimaadka ee dalka India ayaa xaqiijiyay dhimashadii ugu horreysay ee ka dhalatay furuq-daanyeerka Monkeypox ee laga diiwaangeliyay gudaha qaaradda Aasiya.
Cudurka ayaa waxaa ku nafwaayay nin dhawaan ka soo noqday dalka Isu tagga imaaraadka carabta ee UAE-da.
Wasaaradda caafimaadka ee gobolka Kerala ee dalka India ayaa laga soo xigtay in ninka cudurka u dhintay ay da’diisu tahay 22 sano.
Waxaa horay labo kiis oo dhimasho ah laga xaqiijiyay Spain iyo mid Saddexaad oo laga diiwaangeliyay Brazil.
Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa laga soo xigtay in guud ahaan caalamka laga xaqiijiyay in ka badan 18,000 oo ah kiisaska cudurka Monkeypox.
15-kii bishii hore ee Toddobaad ayay ahayd markii dowladda India ay diiwaangelisay ugu yaraan afar xaaladood oo ah kuwa furuq-daanyeerka Monkeypox.
Bishii hore ayay ahayd markii hay’ adda caafimaadka adduunka ee WHO ay ku dhawaaqday in Monkeypox uu yahay xaalad caafimaad oo degdeg oo heer caalami ah.