Waxaa lagu soo warramayaa in dad aan tiradoodu la cayimin ay ku dhinteen halka dhowr kalena ay ku dhaawacmeen rasaas ay fureen ciidamada nabad sugidda ee qaramada midoobay ee dalka Congo.
Arrintan ayaa laga soo tabiyay saldhig ku yaalla dhanka bari ee DRC gaar ahaan magaalada Kasindi.
Howlgalka nabadsugidda ee qaramada midoobay ee DRC ayaa bayaan ku sheegay in rasaasta ay sabab la’aan u fureen ciidamo ka tirsan MONUSCO iyagoo halkaasi si qasab ah ku galay.