Waxaa la xaqiijiyay in afar qof ay ku dhinteen dalka Filibiin halka 60 kalena ay dhaawacmeen ka dib markii jasiiradda waqooyi ee Luzon uu saameeyay dhul gariir culus oo cabirkiisu yahay 7.
Waxaa musiibadan ku burburay guriyo gaaraya 173 halka sidoo kale la soo tabiyay dhacdooyin dhul go’ oo dhan 58.
Dhulgariirka ayaa sidoo kale laga dareemay caasimadda Filibiin ee Manila oo dad badan laga daadgureeyay halka sidoo kale la hakiyay adeegyada waaxda tareennada ee magaala madaxda.
Xoghayaha wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaasi Benjamin Abalos ayaa shir jaraaid oo uu qabtay ka sheegay in 44 ka mid ah dhaawaca laga diiwaangeliyay gobolka Abra .