Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC Mr. Wafula Chebukati ayaa saraakiisha ammaanka ugu baaqay in ay xabsiga u taxabaan wasiirkii hore ee cayaaraha Rashid Echesa.
Tani ayaa timid ka dib markii Mr. Echesa uu maanta muuqaal ka soo dhex muuqday isagoo dharbaaxaya mid ka mid ah saraakiisha guddiga IEBC.
Waxaa muuqaalka laga dheehan karaa Rashid Echesa oo careysan oo su’aalo weydiinaya sarkaalka isagoo ka cabanaya inuu mid ka mid ah wakiillada xisbiyada tartamaya u diiday inuu galo goobta codbixinta ka hor inta uunan dharbaaxin .
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee dalka Mr. Chebukati ayaa falkaasi cambaareeyay isagoo xusay in hadii ay jirto arrin uu tabanaya wasiirkii hore ee cayaaraha laga doonayay inuu guddiga ku soo wargeliyo isagoo aan dhibaateyn sarkaalka.
Waxay maanta doorashooyin ku celis ah ka dhacayaan deegaanka Matungu ee ismaamulka Kakamega,Kabuchai oo ka tirsan Bungoma iyo deegaano hoose oo dhowr ah.
Deegaannada hoose ee dadweynaha ku nool ay maanta dooranayaan wakiillo ku matalo golayaasha hoose ee ismaamuladooda ayaa kala ah Huruma oo ka tirsan Uasin Gishu , Hell’s Gate iyo London oo ku yaalla Nakuru, Kiamokama(Kisii) iyo Kitise/Kithuku oo ka mid ah deegaannada hoose ee ismaamulka Makueni.
Shalay ayay ahayd markii guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC uu warbaahinta u sheegay in uu si buuxda isugu diyaariyay maareynta doorashooyin ku celis ah ee maanta dhacaya.
Xilalkan loo tartamaya ayaa banaanaaday ka dib markii ay geeriyoodeen xildhibaanadii ama wakiilladii deegaannadan laga soo doortay.
Mid ka mid ah saraakiisha guddiga IEBC u qaabilsan deegaanka Huruma ee ismaamulka Uasin Gishu ayaa warbaahinta u sheegtay in shacab badan aynan xilligii hore ee maanta u soo bixin codeynta
Sidoo kale haweeney ka mid ah shacabka maanta codkooda ka dhiibtay deegaanka hoose ee London ee ismaamulka Nakuru ayaa dareenkeeda warbaahinta la wadaagtay
Sarkaalka IEBC ee maareynaya codeynta ka socoto deegaanka hoose ee London ayaa sheegay in ay goobaha xiri doonaan abaare 5:20 galabnimo ee maanta